baay
(m.dh)

(xis.) Saamiga uu meeriska goobo kasta la sameeyo dhexroorka goobada. Seebid ahaan waxay le'egtahay, 3.14159. waa tiro ka sarreysa garashada qiimaheeda dhabta ah lama qori karo haseyeeshee waa la cabbiri karaa ilaa heer saxnimo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baay

waabaay [m.dh]
ld waabaayo. waabaayo

waabaayayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waabaayee. waabaayee

waabaayaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la waabaayeeyey ahaansho.

waabaayaysnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waabaayaysan. ld waabaayaysnaansho. waabaayaysan, waabaayaysnaansho

waabaayaysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld waabaayaysnaan. waabaayaysnaan

waabaayee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
1. Nafley sumayn. 2. Waran, fallaar iwm waabaayo marin.

waabaayo [m.dh]
Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. ld waabaay, waabay². waabaay, waabay, sun, mariid

waabaayoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waabaayow. waabaayow

waabaayow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Dad, xoolo iwm wax waabaayo hayso noqosho.

rabbaayad [m.dh] (-do, m.l)
Xayawaan la baray inuu dadka la dhaqmo.

ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg