babbi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Si dab loo ololiyo ama wax kulul loo qaboojiyo, hawada ku xeeran babbis ku dhaqdhaqaajin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh babbi

ambabbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof socdaal gelaya waxa uu u baahanyahay siin. 2. Cid safraysa sagootiyid. 3. Xoolo foofaya agaasimid.

ambabbixid [m.f.dh]
eeg ambabbax². ld ambabbax¹ (1).

ambabbixin [m.f.dh]
eeg ambabbixi. ld ambabbixis.

ambabbixis [m.l]
ld ambabbixin.

babbin [m.f.dh]
eeg babbi. ld babbis (2).

babbis [m.l] (-yo, m.dh)
1. Qalab sida badan caw laga sameeyo oo wax lagu babbiyo. 2. ld babbin.

babbisjinni [m.l]
Balanbaalis.

biligbilig [m.dh]
1. Dhimbilayn. 2. Babbinta.

dababbixid [m.f.dh]
eeg dababbax².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg