babbis
(m.l) (-yo, m.dh)

1. Qalab sida badan caw laga sameeyo oo wax lagu babbiyo. 2. ld babbin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh babbis

babbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Si dab loo ololiyo ama wax kulul loo qaboojiyo, hawada ku xeeran babbis ku dhaqdhaqaajin.

babbin [m.f.dh]
eeg babbi. ld babbis (2).

babbisjinni [m.l]
Balanbaalis.

marawaxad [m.dh] (-do, m.l)
1. Qalab bir, caag iwm ah oo koronto ku shaqeeya, wareegsado oo guriyaha la suro ama meel la saaro oo neecaaw qabow keena. 2. Babbis. 3. Qufac isdabajoog ah; riiraxiyo. ld marawaxo, marwaxad, marwaxo.

sandal [m.l]
1. Geed dheer oo ka baxa Aasiya, Ostaraaliya iyo jasiiradaha Badweynta Deggan oo udgoon, waxaana laga sameeyaa santuukhyada qoraalka lagu xardho, ulaha babbisyada iyo saqafaha. 2. Dhir udgoon iyo saliid la isku qooshey oo raggu oogada marsado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg