babcan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Wax gudub ama babbac loo dhigay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh babcan

babcanaan [m.f.dh]
eeg babcan. ld babcanaansho.

babcanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld babcanaan.

keer [mu.ti.l]
(kuweer, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. Tus. “Keer baa fariistay meeshaadii ee ka kici”. .

keer [dk.ti.l] (-keer)
Dibkabe tilmaame oo magac lab dib looga qodbo oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado.

kuweer [mu.ti.w]
Magacuyaal tilmaame oo wadar, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. Tus. “ Waa kuweer hablihii soomaaliyeed”.

teer [mu.ti.dh]
(kuweer, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. Tu. “Cali wuxuu rabaa inuu la hadlo teer timid hadda”.

teer [dk.ti.dh] (-teer)
Dibkabe tilmaame oo dib looga qodbo magac dhaddig, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg