bacaad
(m.l)

Ciid badan, jilicsan, boor lahayn oo aan lagu socon karin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bacaad ↴

daabacaad [m.dh]
daabacaad m.dh 1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo. 2. Qoraal inta hal mar la daabaco. ld daabicid. daabicid

bacaadcelin [m.dh]
Ka hortagga bacaad fidaaya iyadoo geedo lagu beeraayo.

bacaad-qaab-bileed [m.l]
(juqr.) Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.

bacad [m.l] (-ddo/-dyo, m.dh)
1. Dhul bacaad buuxiye oo lamaddegaan ah. 2. Midab caddaan ah oo mid kale oo yari ku dhafanyahay oo geelu yeesho. 3. Meel kulul oo qorraxda hayso.

cirid [m.dh]
1. Bacaad qorraxdu kululaysay. 2. Kulaylka qorraxda. ld ciriid, cirrid³.

dabayleed [m.l]
(juqr.) Wax dabayli keentay amase ku xidhan. Tuulimaad d. waa waxyaabaha ay dabayli qaadday ama ay dhigtay meel dhulka dushiisa ah waxaana ka mid ah dabayl tuul, bacaadka iyo tuulimaadyada lamaddegaannada.

dambacaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Calool u jiifid (qof).

dhambacaad [m.l]
ld dhambacaadid.

dhambacaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Seexasho qof caloosha hoos marsado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg