bacad
(m.l) (-ddo/-dyo, m.dh)

1. Dhul bacaad buuxiye oo lamaddegaan ah. 2. Midab caddaan ah oo mid kale oo yari ku dhafanyahay oo geelu yeesho. 3. Meel kulul oo qorraxda hayso.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bacad

raabacad [m.dh]
Cayaar turub (dabaka-eri)marka saddex raani baxdo tan afaraad ee harta.

bacadle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Ganacsade meel bannaan oo aan dhisneyn wax ku iibsanaaya. 2. Meesha bacadluhu wax ku gato. 3. Awr rarey ah oo xoog badan.

dabacadde [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
1. ld dabcaddeeye. Bahal yar, xoorta le'eg, leh daba dheer oo foodda ka cad oo digaagga laaya. 2. Bahal safanta badda la jaad ah, kase weyn; ganacsi buu galaa oo waa la dhoofiyaa.

dabacaddeeye [m.l]
ld dabacadde (1).

dhiidhiin [m.dh]
Kur ka samaysanta ciidda bacaddada.

fatuux [m.l]
Tamuux, bataax, bacad.

garbacad [m.dh]
1. Shilin cudurro badan xoolaha u keenta oo korka ku leh baro caddaan ah. 2. ld curdaalo. Roob bilow ah cordaal.

jimbacad [m.l]
ld jimbacasho.

kabacad [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dhallinyaro rag iyo dumarba leh oo tumasho u banbaxday.

bac [m.dh] (-cyo, m.l)
1. Maaddo balaastiig ka samaysan, khafiif ah oo wax lagu deto, dambiilo wax lagu ritana laga sameysto. 2. Dharbaaxo; jaawin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg