bacrimi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

ld bacrimee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bacrimi

ugax [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-gxaan, m.dh)
1. Shay kakoonsan, qolof adag oo ay dhasho nafleyda inta aan naasleyda ahayn, oo uu ku jiro abuurka ilmaha iyo nafaqadii korin lahayd; ukun. 2. Unug dheddig oo ka soo go'a ugxiyaha naasleyda dheddig oo marka uu bacrimiyo unugmaniga labi ilmo ka abuurmaan.

ugxanside [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
1. (c.nafl.) Organka taranka ee dheddigga xayawaanka kaas oo soo saara ugxanta. 2. (bot.) Salka hulan ee kaarbalka ubaxa, kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo ugxan side yare. Bacriminta kaddib, derbiga ugxansiduhu wuxuu u koraa xagga midhaha isaagoo daboolaya iniinyaha.

uuroowid [m.l]
(baay.) Xaalad uurqaadid, marka shahwada labku bacrimiso ukunta dheddigga dhuunta falloobiyo dhexdeda.

bacrimayn [m.f.dh]
eeg bacrimee. ld bacrimays, bacrimin, bacrimis.

bacrimee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
1. Unug tarmineed lab, unug tarmineed dheddig dhex gelid. 2. Dhul si uu bacrin u noqdo digo ama walax kiimika ah ku shubid. ld bacrimi.

bacrimin [m.dh]
ld bacrimayn.

bacrimin [m.dh]
Habka isku darsanka unugyada taranka ee labka iyo dheddigga si ay u sameeyaan bacrimane.

bacrimis [m.l]
ld bacrimayn.

bacrimiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Daawo digo iwm oo dhul lagu shubo si bacrin looga dhigo. 2. Unug tarmineedka lab marka uu dhex galo unug tarmineedka dheddig.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg