bacrimin
(m.dh)

ld bacrimayn.

bacrimin
(m.dh)

Habka isku darsanka unugyada taranka ee labka iyo dheddigga si ay u sameeyaan bacrimane.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bacrimin

ugxanside [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
1. (c.nafl.) Organka taranka ee dheddigga xayawaanka kaas oo soo saara ugxanta. 2. (bot.) Salka hulan ee kaarbalka ubaxa, kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo ugxan side yare. Bacriminta kaddib, derbiga ugxansiduhu wuxuu u koraa xagga midhaha isaagoo daboolaya iniinyaha.

bacrimayn [m.f.dh]
eeg bacrimee. ld bacrimays, bacrimin, bacrimis.

dhicin [m.dh]
(daaw.) Ka soo dhicid ama ka soo saariid minka ilmo aan sadkooda dhammeysan, (dadka) muddada u dhexeysa bacriminta iyo 24ka asbuuc ee hore.

hoos-carreed [m.l]
(jool.) Lakab walxo ah oo hoos yaal carro rumeedka, ama carrada kore, walxa dhintayna way kaga yaryihiin kan ku xiga waxaana laga yaabaa in muxtawiyaadkiisa macdaneed kala duwan-yahay, wuuna ka yare dahsoonyahay wakiillada ogsidhaynta iyo haydaraynta. Wuu ka bacrimin yaryahay carrada kore. Laakiin waxa hoos u gala xididdada dhirta iyo deegaanta.

isbeermatosuw [m.l] (-wyo, m.dh)
(baay.) Unug taranka dhammayska ah ee socda ee xayawaanka lab, kaas oo soo saaraan xiniinyuhu. Wuxuu ka koobanyahay qayb madaxa oo leh bu'dhiman iyo akrasoom, kaas oo u oggolaada xawada inay gasho, ukunta markay bacrimintu dhacayso, qayb dhexe oo leh mitokondoriya siisa tamarta dhaqdhaqaaqa iyo qayb dabo ah oo u samaysan qaab hore u socodsiiya xawada.

taran-jinsi [m.l]
(baay.) Qaab taran ah oo ku yimaaddo isku beddelka laba unug taran ee dariiqadda bacriminta. Caadi ahaan, gaar ahaan xayawaanku, waxay u baahanyihiin laba waalid, mid lab iyo mid dheddig.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg