bacrin
(m.dh)

Dhul carrasan oo wax ka soo bixi ogyihiin; ugbaad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bacrin

laas [m.l] (-sas, m.l/-syo, m.dh)
(juqr.) Bed lamaddegaanka bartamahiisa ku yaal oo biyaha laga helo agtood bacrin ah.

ontoogoni [m.l]
(baay.) Korritaanka noolaha laga bilaabo unug bacrinsan ilaa inta uu qaangaadhayo.

ugxandhalid [m.dh]
(baay.) Taran ugxanta bacrinsani ay ku korto kuna dillaacdo marin ugxaneedka hooyada.

uurjiif [m.l] (-fyo, m.dh)
(baay.) Heerka ugu horreeya ee koritaanka xayawaanka, laga soo bilaabo marka ugxanta bacrintay ay bilowdo inay qaybsanto, iyada oo ku jirta organnada taranka ee hooyada ilaa ay ka dillaacayso ama ka dhalanayso.

aqoon-beereed [m.dh]
(c.beer.) Sayniska beeridda dalagyada oo ay ka mid yihiin mashaakilka dalagyada soo go'a, ka hortagga cudurrada, horumarinta noocyo dalag oo kala duwan iyo maamulka, xanaanaynta, iyo bacrinta carrada.

bacrimane saygot [m.l] (-ooyin ..., m.l)
(baay.) Gaamayt dheddig oo bacrinsan: waa maxsuulka is kudarsanka bu'da ugxanta iyo xawada ama boodh faxalka.

bacrimee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
1. Unug tarmineed lab, unug tarmineed dheddig dhex gelid. 2. Dhul si uu bacrin u noqdo digo ama walax kiimika ah ku shubid. ld bacrimi.

bacrimiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Daawo digo iwm oo dhul lagu shubo si bacrin looga dhigo. 2. Unug tarmineedka lab marka uu dhex galo unug tarmineedka dheddig.

bacrin-la'an [m.dh]
(daaw.) Awood la'aan in naagtu uur qaaddo ama ninku wax rimin kari waayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg