badar
(m.l)

Nooc ka mid ah dalagga la beerto oo leh iniino la cuno, lana keydin karo, sida: galleyda, masaggada, iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh badar

haadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati. haati

daafi [m.dh]
Nooc ka mid ah badarka oo aad u yaryar, canjeeladana laga sameeyo.

laan [m.dh] (-aamo/-aano, m.l)
1. Faraca ka soo baxa jirridda geedka. 2. Qayb ka soo farcanta waax hay'adeed. 3. Qori af buuran oo badarka la karinayo lagu waalaqo.

ohli [m.l]
(ohli/-iyo, m.dh) Kolay weyn harag ama mayrax ka samaysan oo badarka iyo waxyaabaha yaryar ee guriga lagu gurto.

uguf [m.l] (-fyo, m.dh)
Sabuul meseggo, oo qaaday cudur ama biyo la'aan heshay awgeed, oo aan yeelan badar fiican.

waago [m.dh]
Marka karoorka badarka la tumo ee maseggadu sabuulka ka baxdo dufalka soo hara.

waanbe [m.l]
Jaad badarka ka mid ah oo ay iniinihiisu aad u yaryaryihiin.

xaarin [m.l] (-nno/-immo, m.dh)
Weel, fidsan, godan, wareegsan oo badanaa caw ka samay-san oo badarka lagu haadiyo ama lagu kala saaro.

ashaamid [m.l]
Busta madowga badan ee sabuulka maseggada ku dhalata, badarkana madowga ka dhigta.

ayin [m.l]
Ku daridda badar karsamayo budada lagu daro. ld ayimid.

bad [m.l]
ld bed³.

bad [m.dh] (-do, m.l)
1. Biyo badan, dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo. 2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B.da gabayga: baabka gabayga.

bad [Fal Gudbe/Labagudbe1 | Verb Transitive/Bitransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Cid wax dhibaato leh oo aysan raalli ka ahayn ku jirrabid. 2. (f.lg) ld bid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg