badasho
(m.f.dh)

eeg bado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh badasho

tafeelin [m.dh]
1. Badasho roob iwm ay aad u bataan. 2. Buro ama dheeri.

barako [m.dh]
1. Wanaag loo aayo oo laga helo wax Eebbe ku siiyey sida carruurta, xoolaha iwm; karaamo. 2. Badasho, taran.

beekhaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Cunto la karinayo sida bariis iwm. tarmid; wax badasho.

biir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax intay ahaayeen ka badasho. 2. Ku b.: wax tiradooda kordhin. 3. Ku b.: cid ka mid noqosho.

bulaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
1. Nafley taran iyo barwaaqo helid. 2. Wax tiradooda iyo tayadooda badasho.

dheelli [Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
Wax culayskiisa dhinac u badasho..

farcan [m.l]
1. Aabbayaalkii laga soo unkamay. 2. Badasho; tarmid.

karaar [m.l]
1. Cayil; buurran. 2. Xowliga wax leeyihiin. 3. Buux; badasho.

karaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Cayilid. 2. Badasho; buuxid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg