badbaadin
(m.f.dh)

eeg badbaadi. ld badbaadayn, badbaadis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh badbaadin

daadguree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Wax badan meel si degdeg ah uga qaadid. 2. Wax iyadoo meel kale la geynayo halis ka badbaadin.

nabadbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ka n.: Cid waxyeello ka badbaadin.

nabadgeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Waxyeello ka badbaadin.

badbaadayn [m.dh]
ld badbaadin.

badbaadis [m.l]
ld badbaadin.

bixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel uu joogay ama yaallay ka saarid. 2. Wax sida musmaar qodax iwm meel uu ku mudnaa ka siibid. 3. Wax halis ka badbaadin. 4. Qof, wax uu hayey cid kale siin. 5. Dab iwm shidid. 6. Magac u b.: nafley, meel iwm magacsiin. 7. Wax u b.: qof dhintay wardi ama sadaqa u hibayn. 8. Isu b.: wax kala qoqoban isufurid. 10. Isu b.: laba qof tartansiin. 11. Kala b.: kala saar. ld bixi.

dabaqabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
1. Wax intooda badani khasaaray inta ka hartay badbaadin. 2. Neef jirro ama caato awgeed la fariistay kicin.

dhici [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax la dhacay badbaadin. 2. (f.g) Ilmo dhicis ah dhalid. 3. (f.mg) Ka dh.: cid wax ka daaficid.

faki [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid halis ka badbaadin. 2. Wax waasac ka dhigid. 3. Wax meeel si xoog leh u qabsaday ka sii deyn. ld fiki.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg