badeeco
(m.dh) (-ooyin, m.l)

ld badeecad (1).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh badeeco

jab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.

qaansheeg [m.dh] (-gyo, m.l)
(dhaq.) Qoraal cid lagu weyddiinayo badeeco ay hore u qaadatay qiimahooda in ay bixiso.

qaayimo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qiimaha iyo kharashka uu ku fadhiyo wax iib u yaal. 2. Liis muujinaaya qiimaha badeeco la gadaayo.

saalaxweeto [m.dh]
1. Ganacsato yaryar oo aalaaba wareegta ama aan lahayn rug loogu soo hagaago. 2. Hab loo ganacsado badeeco iyadoo aan lacagteeda la bixinb lala wareego. 3. Hab ganacsi ah oo ba-deeco yaryar habda meel wareejiyo.

tafaariiq [m.dh]
Iibinta badeeco kis kis loo iibiyo.

waarid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Soo w.: badeeco dibadda ka keenid.

waddaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Badeeco wax si nadaamsan isu dulsaaran ahaansho. 2. Meel wax waddo laga dhigay ahaansho.

waddee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-deeyay, -daysay)
1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid.

abuudiiq [m.dh]
A. ah: badeeco diiq, astaan ahaan dusha kaga sawiran.

baakad [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-dyo, m.l, /-do, m.dh)
Warqad adag oo qaab sanduuq leh oo badeecooyinka lagu rido. ld baako.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg