badhe
(m.l) (-dhayaal, m.l/dh)

(juqr.) Goobo la mala-awaalay oo taalla bartamaha labada cirif dhexdooda, waxaana sameeyay goobahaas sallax la dhex mariyay bartamaha goobahaasi isla markaas waa bartamaha dhulka, waa goobo weyn, wareeggeeduna waa kan ugu dheer ee dhulka; dhulbar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh badhe

cimri-badheed [m.l] (-dyo, m.dh)
(kiim.) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimri-badheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.

dabadheer [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-raa, -rayd)
Muddo dheer wax socday ahaansho (xaajo, roob, abaar,dagaal iwm).

dabadheeraan [m.f.dh]
eeg dabadheer. ld dabadheeraansho.

dabadheeraansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg dabadheerow. ld dabadheeraan.

dabadheerow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-raaday, -raatay)
Muddo dheer wax socday noqosho (xaajo, roob, abaar, dagaal iwm).

dabadheh [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ayiri, -atiri/-dhahay, -dhahday; -dhihi)
Ka d.: wax qof yiri ku celin.

garbadheere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Biicid lab oo aan weyney.

labadhegood [m.l]
1. Geedka galleyda, meseggada marka uu yaryahay oo laba caleemood yahay. 2. Fallaar ama hooto laba ganood leh. 3. Weel dhinacyada laba siddo ku leh.

bad [m.l]
ld bed³.

bad [m.dh] (-do, m.l)
1. Biyo badan, dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo. 2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B.da gabayga: baabka gabayga.

bad [Fal Gudbe/Labagudbe1 | Verb Transitive/Bitransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Cid wax dhibaato leh oo aysan raalli ka ahayn ku jirrabid. 2. (f.lg) ld bid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg