badhi
(m.l)

ld bari¹.

badhi
(m.dh) (-iyaal, m.l/dh)

(bot.) Xubin (dhir) qaybta dhulka ka hoosaysa ah, taas oo u suurta gelisa inuu noolaado xilli abuur ilaa xilliga ku xiga. Badhidu waa xiddo isbeddel ku dhacay oo jirrid gaaban oo ballaadhan leh. Tus. “Basal”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh badhi

badhiwale [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
Qof shaqo hoosaadka xafiiska qabta; adeege.

cirbadhiib [m.l]
ld ciridhiib.

cirbadhiibsad [m.l]
ld cirbadhiibsasho.

cirbadhiibsasho [m.f.dh]
eeg cirbadhiibso. ld cirbadhiibsad, cirbadhiibsi, ciridhiibsad, ciridhi.

cirbadhiibsi [m.l]
Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. ld cirbadhiibsasho.

cirbadhiibso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. ld ciridhiibso.

dabadhicid [m.f.dh]
eeg dabadhac.

dabadhihid [m.f.dh]
eeg dabadheh.

bad [m.l]
ld bed³.

bad [m.dh] (-do, m.l)
1. Biyo badan, dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo. 2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B.da gabayga: baabka gabayga.

bad [Fal Gudbe/Labagudbe1 | Verb Transitive/Bitransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Cid wax dhibaato leh oo aysan raalli ka ahayn ku jirrabid. 2. (f.lg) ld bid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg