bogo
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-gtay, -gatay)

1.(f.g) Cunto, cabid iwm ka dhergid. 2. Ka b.: arrin, hawl iwm ka baaraandegid; ka salgaarid.

Bogox*

Dhanka ay qorraxdu u dhacdo;
galbeed. bugux


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bogo

laabraac [m.l]
U bogid wax loo bogo oo niyadda laga jeclaysto.

laabraac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
Wax loo bogo laabta ka raacid, ka jeclaysasho.

xaasha [Erey Dareen | Exclamation]
1. Xumo ka fog, ka dheer; taasna daa; maya. 2. Erey la yiraahda kolka wax loo bogo; baga!

bogasho [m.f.dh]
eeg bogo.

bogox [m.l]
ld bugux.

bugux [m.l]
Dhanka ay qorraxdu u dhacdo; galbeed. ld bogox.

doobbogoray [m.l]
Awrka aan weli doobbada soo ridan. ld doobbagoray, doobgoray.

galbeed [m.l]
Dhanka qorraxdu u dhacdo; bogox, bugux.

gob [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qof dad la dhaqan wanaagsan oo asluub loo bogo leh. 2. G. ah: inta talada u haysa bulsho meel ku wada noo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg