bur
(m.l)

1. Budo cad oo rootiga, malawaxa iwm laga samaysto. 2. Taag ciid. 3. Cad yar (ciid, soor, sonkor iwm). 4. Hal geed oo caws ah oo bahalladda yaryar galaan. 5. Abur; xoor.

bur
(m.l) (-rar, m.l)

Ul culus, toosan, madax buuran leh oo hub ahaan loo qaato; qool; garruun. ld bud¹.

bur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Biyo aad u karkarid.

bur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

1. Weyso gadmid. 2. Dheri dhooba ah kala jabid. 3. Xeer jiray baabbi'id. 4. Markhaati beenoobid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bur

aabbur [m.l] (-rro, m.dh)
Weel yar, wax lagu shuban karo, oo dhiilaha, haamaha iwm afka lagaga xiro.

aabbur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhiil, haan iwm weel yar oo wax lagu shuban karo afka kaga xirid.

aabburan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay., -rantay, -rmi)
Dhiil, haan iwm wax la aabburay noqosho. Tus. “Weelku waa aabburmay”.

aabburan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Dhiil, haan iwm wax la aabburay ahaansho. Tus. “Weelku waa aabburanyahay”.

aabburid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aabbur aabbur

aabburmid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aabburan aabburan

aabburnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aabburan. aabburnaansho

aabburnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg aabburnaan aabburnaan

baabbi'i [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax ciribtirid. 2. Raad, calaamad iwm oo meel ku yaal tirtirid. Tus. “Rooble ayaa wixii sabuuradda ku qornaa baabbi'iyay”. 3. Sharci burin. 4. Sharaf awood iwm ee qof leeyahay waxyeeleyn.

ubur [m.dh] (-rro, m.dh)
Xumbo adag, oo cad, oo awrka qooqan afkiisa ka timaadda. ld abur. abur

b [m.dh]
(ba') Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg