buraash
(m.l)

1. (-shiyo, m.dh) ld burush. Qalab qori ah oo sayn, riir iwm dhan ku leh oo wax lagu nadiifyo ama lagu riinjiyeeyo. 2. ld buraashid.

buraash
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-shay, -shtay)

Wax buraash ku nadiifin ama ku riinjiyeyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buraash

buraashad [m.dh] (-do, m.l)
Weel yar, macdan ah, ubbada u eg oo biyaha lagu qaato.

buraashan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-shnaa, -shnayd)
Wax buraash lagu nadiifiyey ahaansho.

buraashid [m.f.dh]
eeg buraash². ld buraash¹ (2).

buraashnaan [m.f.dh]
eeg buraashan. ld buraashnaansho.

buraashnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld buraashnaan.

burush [m.l] (-shyo, m.dh)
1. Dheeraad. 2. ld buraash 1 (1).

casee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -saysay)
1. Wax midab cas u yeeelid. 2. Kabo buraash marin. 3. Qof xisaab socota leh, deyn muddo gaaban siin (banki).

caseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof shaqadiisu tahay kabaha in uu buraasheeyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg