burburi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax is haystay cadad yaryar u kala jejebin. ld bururi (2).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh burburi

Ururkii Qaramada [m.l]
Urur la sameeyey dagaalkii adduunka ee kowaad kaddib, kasoo loo dhisay horumarinta Iskaashiga caalamiga iyo ka hortagga dagaal, wuxuuna burburiyey dagaalkii II ee Adduunka.

afruujin [m.dh]
Burburinta beer carradeeda la burburiyo lana carrageddiyo.

armac [m.l]
A. ah: dhagxaanta nooca ugu adag, dhalaala, midabbo kala duwan leh oo aan burburin.

baaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Xoolo naftu ka baxayso rafasho. 2. Ku b.: wax burburin ama baabbi'in. Tus. “Beertii dibi qooqan baa ku baartay”.

baduug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Alaab aad u burburin. ld baduuji, baduuq.

bulumbulyo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Cayayaan yar, u eg suuska badarka gala oo qoryaha dhuuxooda burburiya; xar.

burburid [m.f.dh]
eeg burbur². ld bururid.

burburin [m.f.dh]
eeg bururi. ld burburis (2), bururin, bururis.

burburis [m.l]
1. Caano in yar la lulay oo aan firfir yeelan. 2. ld burburin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg