burcad
(m.l)

Subagga caanaha la lulay laga soo saaro inta aan weli la shiilin. ld bocor¹ (1).

burcad
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Koox tuugo ah, hubeysan oo dadka laaya, dhacana.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh burcad

bocor [m.l]
1. Burcadka caanaha geela ka soo baxa. 2. Meesha kuusan oo cunaha ragga ku taal. 3. Miro ay qaraha isku bahyihiin oo la cuno marka la kariyo. 4. Geedka digirta marka uusan weli aad u soo bixin ee madaxiisu fooraro.

burcadnimo [m.dh]
Burcad ahaansho.

caaneeyo [m.dh]
Caanaha laga saaro burcadka marka la shiilo. ld caaney, caanooyo.

dooxato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Koox burcad ah oo waxa ay arkaan dhaca ama dila.

fallaago [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Dad hubaysan oo dawlad ka fakaday oo duur ku jir ah; burcad. 2. Nin f. ah: qof ka mid ah dad hubaysan oo burcad ah.

firfir [m.l]
1. Burcad yaryar oo caanaha marka la lulo kor sabbeeya. 2. F. ah: caano la lulay oo firfir yeeshay. 3. Dhidid f. ah: dhidid kala googo'an oo oogada nafleyda ka yimaad. 4. ld fir¹.

geedxamar [m.l]
Geed nagaar laamo jilicsan leh, udgoon oo lagu shiilo burcadk.

iska-celin-dembiile [m.dh]
(qaan.) Marka qof la qabto oo ahaa burcad ama shufto oo loo celiyo dawladdii uu dambiga ka galay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg