burin
(m.f.dh)eeg buri. ld buris, burrin, burris.
burin
(m.dh)1. (fals.) Ficil ama fikrad ka soo horjedda jiritaan shay. 2. (fals.) Nooc ka mid af diidmada, ama afkaar dhamaanteed ka soo horjeedda, wixii jiray dhamaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh burin ↴
baabbi'i [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax ciribtirid.
2. Raad, calaamad iwm oo meel ku yaal
tirtirid. Tus. “Rooble ayaa wixii sabuuradda
ku qornaa baabbi'iyay”. 3. Sharci burin.
4. Sharaf awood iwm ee qof leeyahay
waxyeeleyn.
uburin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg uburi. ld aburin. uburi, aburin
aburin [m.f.dh]
eeg aburi. ld uburin.
burburin [m.f.dh]
eeg bururi. ld burburis (2), bururin, bururis.
buris [m.l]
ld burin, burin¹.
burrin [m.dh]
ld burin.
burris [m.l]
1. (-syo, m.dh) Dubbe. 2. ld burin.
cabburin [m.f.dh]
eeg cabburi.
bur [m.l]
1. Budo cad oo rootiga, malawaxa iwm laga samaysto. 2. Taag ciid. 3. Cad yar (ciid, soor, sonkor iwm). 4. Hal geed oo caws ah oo bahalladda yaryar galaan. 5. Abur; xoor.
bur [m.l] (-rar, m.l)
Ul culus, toosan, madax buuran leh oo hub ahaan loo qaato; qool; garruun. ld bud¹.
bur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Biyo aad u karkarid.
bur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Weyso gadmid. 2. Dheri dhooba ah kala jabid. 3. Xeer jiray baabbi'id. 4. Markhaati beenoobid.