buro
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Haan yar; aagaan. ld buray².

buro
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Hilib aan caadi ahayn, kuusan oo jirka naflayda meel ka mid ah ka soo baxa. 2. Sed dheeraad ah oo cid la siiyo.

buro
(m.dh)

(daaw.) Bararid: astaamaha caanka ah ee halaamacoodka midkood; saddexda kale waxa weeye: kul, casaan, iyo xanuun. Meesha halaamacoodsan waxa bararka u keena ayadoo xididdada yaryarka ah ee dhiigga ka yimaado dhacaan la socdaan boroteyin oo ku urura unugyada dhexdooda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buro

tafeelin [m.dh]
1. Badasho roob iwm ay aad u bataan. 2. Buro ama dheeri.

waafi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
W. ah: cabbir, qiyaas miisaan iwm aan wax ka dhinayn ee weliba buro weheliso.

burabbahalaad [m.dh] (-dyo, m.l)
(daaw.) Buro halis ah oo jirka ku faafto, dishana nafleyda ay ku dhacdo. ld burobahalaad.

buracaanood [m.dh] (-dyo, m.dh)
(daaw.) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.

buray [m.dh]
ld buro¹.

buray [m.dh]
ld buro².

burobahalaad [m.dh] (-dyo, m.l)
(daaw.) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. ld burabbahalaad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg