burobahalaad
(m.dh) (-dyo, m.l)

(daaw.) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. ld burabbahalaad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh burobahalaad

burabbahalaad [m.dh] (-dyo, m.l)
(daaw.) Buro halis ah oo jirka ku faafto, dishana nafleyda ay ku dhacdo. ld burobahalaad.

kansarbeereed [m.l]
(daaw.) Burobahalaad ka baxda beerka waxay ku badantahay Afrika iyo waddamada kale ee cimilada kulul waxa keeni kara fangas iyo sumo kale.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg