burqad
(m.l)

ld burqasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh burqad

saaqid birlabdanabeed [m.dh]
(fiis.) Xoog danab-wadaha ku abuurma mareeg danab ayna ugu wacantahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddel-ka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya mareegta danab. X.d.w. saaqmay waxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.

buq [m.dh] (-qo, m.l)
1. Meesha ay biyaha ka soo burqadaan. 2. Ceel biyo badan leh. 3. Hogaha shaxda midka dhexda ku beegan.

buq [m.dh] (-qo, m.l)
1. (jool.) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqr.) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).

burqasho [m.f.dh]
eeg burqo. ld burqad.

butaaco [m.dh]
B. ah: hoore meel uu ku jirey si xoog leh uga soo burqaday.

il [m.dh] (-lo, m.l)
1. (indho, m.l) Xubinta aragga. 2. Meel biyo ka soo burqadaan. 3. Siriq. 4. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto (senen); dhabato. 5. Dabool iniinaha badarka kor kaga dhegsan. 6. Dhul bannaan oo kaymo hareeraha ka xigaan.

lagas [m.l] (-gyo, m.dh)
(fiis.) (halbeeg) Summad: Lx. halbeegga caalamiga (H.C.) ee iftiimida, le'egna iftiinka uu soo kaahiyo burqad iftiimeedka 1 luuman ah, kuna fidsan bed hal mitir labajibbaaran.

luuman [m.l] (-nno, m.dh)
(fiis.) (halbeeg) Summad: Lm. Halbeegga caalamiga ee burqad iftiimeedka, loona qeexo burqadka iftiinka ee ka soo kaaha bar iftiin oo itaalkeedu yahay hal kandeela (cd), una baahaya hab toobineed leh xagal adke oo ah hal istaraadiyan. Sidaas awgeed, 1 lm = (1/4Ò)cd.

nuugitaannimo [m.dh]
(fiis.) Sumad . (Syn. la micnotahay isirka nuugidda). Cabbirka kartida walaxi ay ku nuugto kaah, waana saamiga kaaha ama burqad iftiimeedka la nuugay iyo kaaha ama burqad iftiimeedka abbaaraa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg