burqo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-qaday, -qatay)

Biyo si xoog ah meel uga soo butaacid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh burqo

burqasho [m.f.dh]
eeg burqo. ld burqad.

bur [m.l]
1. Budo cad oo rootiga, malawaxa iwm laga samaysto. 2. Taag ciid. 3. Cad yar (ciid, soor, sonkor iwm). 4. Hal geed oo caws ah oo bahalladda yaryar galaan. 5. Abur; xoor.

bur [m.l] (-rar, m.l)
Ul culus, toosan, madax buuran leh oo hub ahaan loo qaato; qool; garruun. ld bud¹.

bur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Biyo aad u karkarid.

bur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Weyso gadmid. 2. Dheri dhooba ah kala jabid. 3. Xeer jiray baabbi'id. 4. Markhaati beenoobid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg