burri
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

ld buri.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh burri

buri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid weyso u dhawrnayd ka jebin. 2. Xeer jirey baabbi'in. 3. Xeer jirey ku xad gudibid. ld burri.

burin [m.f.dh]
eeg buri. ld buris, burrin, burris.

burrin [m.dh]
ld burin.

burris [m.l]
1. (-syo, m.dh) Dubbe. 2. ld burin.

dubbe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
Qalab ka kooban bir kuusan oo qalab kala duwan leh iyo daab madaxa kula jira oo farsamayaqaanku ku garaaco biraha uu farsamaynayo; burris.

wanantume [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
Qori geed jilicsan ka samaysan oo leh qaab burris ama dubbe oo wananka lagu tumo; tutume.

bur [m.l]
1. Budo cad oo rootiga, malawaxa iwm laga samaysto. 2. Taag ciid. 3. Cad yar (ciid, soor, sonkor iwm). 4. Hal geed oo caws ah oo bahalladda yaryar galaan. 5. Abur; xoor.

bur [m.l] (-rar, m.l)
Ul culus, toosan, madax buuran leh oo hub ahaan loo qaato; qool; garruun. ld bud¹.

bur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Biyo aad u karkarid.

bur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Weyso gadmid. 2. Dheri dhooba ah kala jabid. 3. Xeer jiray baabbi'id. 4. Markhaati beenoobid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg