burtuur
(m.l)

Marka soorta la karinayo burarka yaryar oo ay yeelato.

burtuur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Burar yaryar oo is haysta yeelasho (soor).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh burtuur

burtuurid [m.f.dh]
eeg burtuur². ld burtuuris.

burtuuris [m.dh]
ld burtuurid.

burtuursan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Soor wax burtuur yeeshay ahaansho.

burtuursanaan [m.f.dh]
eeg burtuursan. ld burtuursanaansho.

burtuursanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld burtuursanaan.

kurmaan [m.l]
(kurmaan, m.dh) Badarka budada ah marka la karinayo kuuska uu yeesho; burlaqan; burtuur.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg