buruq
(m.dh) (-qo, m.l)

1.Bari dhirta qaarkeed dhanka hoose ka bixiso, adag, kuuskuusan oo la cuno. 2. Miro, sida qaraha, babbayga iwm inta jilicsan oo la cuno.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buruq

qaarxabaal [m.l]
1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo.

adaahi [m.dh]
Geed xooluhu ku dhacartaan oo leh sal weyn oo wada buruq ah iyo laamo yaryar oo dhuudhuuban.

bacaroor [m.dh]
Geed nagaar leh buruq sun ah iyo caleemo balballaaran oo geelu daaqo; balalo.

bagal [m.l]
Khudrad cagaar ah oo leh caleemo balballaaran iyo buruq dhuuban oo dheer oo la cuno. ld baqal¹ (2), begel.

bari [m.dh]
1. Cadka baruurta ah oo ka baxa dibka idaha. 2. (-iyo, m.l) Salka dadku ku fariisto. 3. (-iyo, m.l) Buruq.

basal [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Khudrad ur silloon oo dhadhan kulul, caleemo dhuudhuuban oo dhaadheer iyo buruq kuusan leh oo la cuno.

cananaas [m.l]
Geed ka baxa kulaylaha oo dhala buruq kuusan, macaan oo korka ku leh qolof kurtumo leh, madaxa sarena caleemo dhuudhuuban oo adag.

cillal [m.l]
Geed nagaar faalala, leh caleemo balballaaran iyo buruq weyn oo dhulka ku aasan oo la cuno.

coodin [m.l]
Geed nagaar dhulka ku faalala oo leh laamo dhudhuuban, caleemo yaryar iyo buruq biyo badan oo la cuno.

bur [m.l]
1. Budo cad oo rootiga, malawaxa iwm laga samaysto. 2. Taag ciid. 3. Cad yar (ciid, soor, sonkor iwm). 4. Hal geed oo caws ah oo bahalladda yaryar galaan. 5. Abur; xoor.

bur [m.l] (-rar, m.l)
Ul culus, toosan, madax buuran leh oo hub ahaan loo qaato; qool; garruun. ld bud¹.

bur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Biyo aad u karkarid.

bur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Weyso gadmid. 2. Dheri dhooba ah kala jabid. 3. Xeer jiray baabbi'id. 4. Markhaati beenoobid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg