burur
(m.l)1. Dareen qofka ku dhasha marka uu la kulmo wax shucuurtiisa kiciyo oo ka lumiyo is-hanashada; jidbo. 2. ld burbur 1. 3. ld bururid.
burur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)1. Qof, wax shucurtiisa kiciya la kulmay, is-hanasho ka lumid; jidbood. 2. ld burbur².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh burur ↴
xabbaji [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Naasley dheddig oo dhalaysa xab bururin.
xabbururi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
ld xabbaji.
xabbururin [m.dh]
ld xabbajin, xabbururis.
xabbururis [m.l]
ld xabbururin.
burbur [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-rro, m.dh)
1. Cadad yaryar oo wax is haystay u kala jajabo. 2. Caano la lulay oo aan weli subag dhalin. ld burur¹ (2).
burbur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax is haystay, cadad yaryar u kala jebid. ld burur² (2).
burburi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax is haystay cadad yaryar u kala jejebin. ld bururi (2).
burburid [m.f.dh]
eeg burbur². ld bururid.
burburin [m.f.dh]
eeg bururi. ld burburis (2), bururin, bururis.
burbursan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la burburiyey ahaansho. ld burursan (2).
bur [m.l]
1. Budo cad oo rootiga, malawaxa iwm laga samaysto. 2. Taag ciid. 3. Cad yar (ciid, soor, sonkor iwm). 4. Hal geed oo caws ah oo bahalladda yaryar galaan. 5. Abur; xoor.
bur [m.l] (-rar, m.l)
Ul culus, toosan, madax buuran leh oo hub ahaan loo qaato; qool; garruun. ld bud¹.
bur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Biyo aad u karkarid.
bur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Weyso gadmid. 2. Dheri dhooba ah kala jabid. 3. Xeer jiray baabbi'id. 4. Markhaati beenoobid.