bushi
(m.l)

Cudur.

bushi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Cid shaki ku beerid. 2. Cid cudur ku ridid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bushi

af [m.l]
(afaf, m.l) 1. Xubinta nafleydu ay wax ku cunto oo bushimaha, carrabka iyo ilkuhu ay ku yaalliin. 2. Dhinaca ay middidu wax goyso. 3. Waddo, tog, xarig iwm dacalka ay ka bilowdaan. 4. Wax guda leh meesha wax looga shubi ama gelin karo. 5. A. leh: sida fiican ee birta la adeegsadaa wax u goyso.

afdhalow [m.l]
Cudur afka dadka iyo xoolaha ku dhaca oo bushimaha nabarro u yeela. ld afgorofow.

arbushid [m.f.dh]
eeg arbush². ld arbush¹ (2), arbushaad.

bakayle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Naasley yar, dhirxagatada ka mid ah, leh dhego dhaadheer, dhogor jilicsan oo badan iyo bushin kore oo faruuran, oo habeenkii mirato.

barraaqdo [m.dh]
Cudur bushimaha ku dhaca oo caddeeya; biijo.

biijo [m.dh]
Cudur bushimaha ku dhaco oo caddeeyo; barraaqdo; dhaleeco.

burshin [m.dh] (-imo, m.l)
1. Labada xubnood ee ku wareegsan afka nafleyda, kana qeyb qaadata codaynta. 2. Labada xubnood ee ku wareegsan xubinta taranka ee haweenka. ld bishin, bushin (2).

burshintuur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Jeexa faruurta kore ee geela xarig yar ku dhuujin si uu socodka u dheereeyo. ld bushintuur².

burshintuurid [m.f.dh]
eeg burshintuur². ld burshintuur¹, bushintuur¹, bushintuurid.

bushi awaal [m.l]
Saadaal cudur.

bus [m.l]
Boor; siigo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg