bushin
(m.dh)

eeg bushi². ld burshin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bushin

bakayle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Naasley yar, dhirxagatada ka mid ah, leh dhego dhaadheer, dhogor jilicsan oo badan iyo bushin kore oo faruuran, oo habeenkii mirato.

burshin [m.dh] (-imo, m.l)
1. Labada xubnood ee ku wareegsan afka nafleyda, kana qeyb qaadata codaynta. 2. Labada xubnood ee ku wareegsan xubinta taranka ee haweenka. ld bishin, bushin (2).

burshintuur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Jeexa faruurta kore ee geela xarig yar ku dhuujin si uu socodka u dheereeyo. ld bushintuur².

burshintuurid [m.f.dh]
eeg burshintuur². ld burshintuur¹, bushintuur¹, bushintuurid.

bushintuur [m.l]
ld burshintuurid.

bushintuur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
ld burshintuur².

bushintuurid [m.dh]
ld burshintuurid.

dhaleeco [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Cudur bushinta ku dhaca oo ay la caddaato. 2. Eed iyo ceebayn loo jeediyo cid fal xun ku kacday.

dibin [m.dh] (-bno, m.l)
Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal, oo afka daboola, ereyadana codeeya middood; bushin; faruur. ld debin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg