butaac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday)

1. Dareere meel uu ku jiray hal mar si xoog leh uga soo daadasho. 2. biyo fataahid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh butaac

xaaxi [m.l]
1. Mawjadaha badda ka soo butaaca oo xeebta soo gaara halka ay ka noqdaan. 2. Biyo badeed oo ciidda xeebta galgalanaya iyagoo xumbaynaya.

burqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qaday, -qatay)
Biyo si xoog ah meel uga soo butaacid.

butaaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Dareere meel ay ku jireen ka daadin. 2. Biyo fataahin.

butaacid [m.f.dh]
eeg butaac.

butaacin [m.f.dh]
eeg butaaci.

butaaco [m.dh]
B. ah: hoore meel uu ku jirey si xoog leh uga soo burqaday.

farriiq [m.l]
1. Butaaco, firdhad, finnin. 2. Tarriiq, dillaac.

qululuc [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Shanqar ka timid dareere si xoog leh uga soo butaaca meel ciriiri ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg