buub
(m.l)

1. B. ah: rati marka la raro dida. 2. ld buubid.

buub
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bay, -btay)

1. Rati raran didid. 2. Dayaarad, shimbir iwm duulid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buub

xabuubane [m.l]
Badar aan wasaq lahayn.

buubaal [m.l]
Rati la rarto oo rar diid ah; layli aan weli rar baran.

buubaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Awr rar la cararid.

buubaalid [m.f.dh]
eeg buubaal².

buubi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Nafley ceyrin. 2. Wax duulin. 3. Ku b.: wax, wax kale ku kor firdhin.

buubid [m.f.dh]
eeg buub². ld buub¹ (2)..

buubin [m.f.dh]
eeg buubi. ld buubis.

buubis [m.l]
ld buubin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg