buubi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Nafley ceyrin. 2. Wax duulin. 3. Ku b.: wax, wax kale ku kor firdhin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buubi

buub [m.l]
1. B. ah: rati marka la raro dida. 2. ld buubid.

buubid [m.f.dh]
eeg buub². ld buub¹ (2)..

buubin [m.f.dh]
eeg buubi. ld buubis.

buubis [m.l]
ld buubin.

dooro [m.dh]
1. (u) Shimbir aan buubin, guri joog ah oo dadku manaafacaadsadaan; digaag. 2. (u) Digaagga middeeda dheddig. 3. Baaro.

shiraac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Maro weyn oo adag qaabab badanna loo yeelo oo lagu xiro dakhalka doonyaha, oo marka dabayshu buubiso doonyaha hore u wada. 2. Dhar adag oo qallafsan lagana dhigto darbaal iyo teendho. ld shiraaq.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg