buuf
(m.l)

Xuddun.

buuf
(m.dh)

1. Duufsi. 2. B. ku hay: ladnaan. Tus. “Cali buuftuu ku hayaa”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buuf

booc [m.dh]
Geed caano leh caleemo balballaaran, laamo jiljilicsan iyo miro kuus kuusan oo buufsan leh.

buufbuuf [m.l] (-fyo, m.dh)
Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.

buufi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax neef ku shubid. 2. Neef maaddo ur leh ama sun ka sameysan meel ku siiddeyn. 3. Hoore midab leh oo tuubbo si xoog leh uga baxayo meel ku rinjiyid.

buufimo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qalab maqaar ka sameyn, bixiya neef badan, leh qaab laba sibraar oo hal af wadaaga, labada dacal ee kalena ku leh meelo gacanta lagu qabsado oo tumaaluhu dabka ay biraha ku farsameyaan ku qaxiyaan.

buufin [m.l]
Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.

buufin [m.f.dh]
eeg buufi. ld buufis.

buufis [m.l]
ld buufin².

buufiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalab tamar siiya dareere si uu uga dhaqaajiyo meel ama heer ilaa heer ama kor u qaado cadaadiska.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg