buufi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax neef ku shubid. 2. Neef maaddo ur leh ama sun ka sameysan meel ku siiddeyn. 3. Hoore midab leh oo tuubbo si xoog leh uga baxayo meel ku rinjiyid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buufi

buufimo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qalab maqaar ka sameyn, bixiya neef badan, leh qaab laba sibraar oo hal af wadaaga, labada dacal ee kalena ku leh meelo gacanta lagu qabsado oo tumaaluhu dabka ay biraha ku farsameyaan ku qaxiyaan.

buufin [m.l]
Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.

buufin [m.f.dh]
eeg buufi. ld buufis.

buufis [m.l]
ld buufin².

buufiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalab tamar siiya dareere si uu uga dhaqaajiyo meel ama heer ilaa heer ama kor u qaado cadaadiska.

farammaggooggo [m.dh]
(c.nafl.) Bahal jaadad badan leh oo badda ku nool oo leh jir buufimo yar la moodo iyo siddeed lugood ama gacmood oo dhuudhuuban oo hoos u jeeddada ku leh goobooyin yaryar oo wax ku dhega ama nuuga. ld farammuggo, faraley (1), farabbadan¹.

filig [m.l]
1. Qalab yar oo inta sun lagu shubo cayayaanka lagu buufiyo. 2. Sun hoore ah oo cayayaanka lagu buufiyo.

halbowle-buufiye [m.l] (-layaal ..., m.l/dh)
(c.nafl.) Halbowlaha ugu weyn ee dhiigga gaadhsiiya madaxa.

Buufis [m.dh/m.l]
qof u qafiifa in uu dhoofo darteed. Tus. "Cali waxaa hayo Buufis"

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg