buug
(m.l)

(buug, m.dh/-aag/-ag, m.l) 1. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran, garbad leh oo suugaan amaa saynis ku qoranyahay. 2. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran garbad leh oo aan wax ku qorneyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buug

baab [m.l] (-bab, m.l)
1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tus. “Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay”.

ha [qr. 1. (nax.)]
Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.

ka [q.l] (-ka)
Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.

na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”.

faafreeb [m.l]
Guddiga baara filimada, jaraa'idka, buugaagta iyo riwaayadaha inta aan loo bandhigin dadweynaha.

nacala-abuugto [m.dh]
Farshiid; dhalo yar.

taambuug [m.l] (-gyo/taambuug, m.dh)
Teendho.

abwaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. A. ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riw.) Qof riwaayadaha curiya.

aslan [Falkaab | Adverb]
Erey lagu adkeeyo diidmo. Tus. “Aslanba ha iga qaadin buugga”.

atlas [m.l] (-syo, m.dh)
(juqr.) Khariidado la isu soo ururiyay oo loo sameeyay qaab buug.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg