buunshe
(m.l)

Qolofka sare ee jilicsan ee ku dahaaran badarka; xashir. ld buunsho, buushe.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buunshe

haad [m.l]
1. Buunshe. 2. H. ah: qof fudfudud. 3. Xad. 4. (-dad, m.l) Hal turub afartiisa qaybood mid ka mid ah. 5. Inta qof hal mar isku cuno (turub). 6. Dhinaca loo oggolyahay in baabuur waddada ka maro. 7. Cudur maskaxeed geela ku dhaca.

haadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati. haati

baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.

buunshabbaxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax buunshe laga saaray ahaansho (badar).

buunsho [m.dh]
ld buunshe.

buushe [m.l]
ld buunshe.

siji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Badar la tumay, haldhan, buunshe iwm u kala saarid.

xashiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Badar buunshe ka saarid. ld xanshiri.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg