buuqid
(m.f.dh)

eeg buuq³.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buuqid

yabaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bqay, -baqday; -bqi)
Dad ama nafley meel fog ka buuqid. ld jabaq². jabaq

uugaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
1. Daruuro cukan cir ku dedmid. 2. Yabqid; buuqid.

bax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.

habuuqid [m.f.dh]
eeg habuuq². ld haquuqid.

buuq [m.l]
1. Hadal ama cod dheer oo nafley badan isku mar sameyso. 2. Dad ama xoola badan oo meel isugu yimid.

buuq [m.l]
(fiis.) Jabaq kasta oo dad dhiba; waxa lagu qiyaasaa iskeelka desibal oo u dhexeeya heerka maqalka ugu hooseeya (0dB) iyo heerka dhawaaqa maqalku xanuuniyo (130dB). Dhawaqyo maqalka qasa oo dhexgala liid rakaad ee marin sigaarsiin.

buuq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Nafley badan, hadal ama cod badan isku mar sameyn. 2. Dad ama xoolo badan meel isugu imaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg