buuran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

Wax cayilay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buuran

laan [m.dh] (-aamo/-aano, m.l)
1. Faraca ka soo baxa jirridda geedka. 2. Qayb ka soo farcanta waax hay'adeed. 3. Qori af buuran oo badarka la karinayo lagu waalaqo.

nacaal [m.l]
1. Masaabir sal buuran oo xagga hoose lagaga taxo kabaha. 2. Bir qoobabka fardaha lagu dhejiyo.

qaar [m.dh] (-ro, m.l)
1. ld qaare. Ul dhumuc weyn leh oo madaxa u buuran oo lagu dagaallamo; huur. 2. Cayaar shaxeed aan la baajin karin kataanteeda. ld

tabaadi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Neef buuran, cayilan, shilis.

abuuran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Wax la abuuray noqosho.

abuuran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la abuuray ahaansho.

baayir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Cayilid, wax buuran noqosho.

baramboorri [m.dh]
Neef geel ama lo'ah da'yar, oo buuran.

bardaq [m.l]
Qof buuran oo jir jilicsan leh.

barijugley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nooc cayayaanka lix lugoodlaha ah ka mid ah oo leh madax ay ku dahaarantahay qolof adag oo kurtumo leh iyo qaar danbe oo buuran oo jilicsan; dhiidhiiyo, xaabley, xabgaal.

buur [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-rar/-ro, m.l)
1. Wax sida dhagax ciid iwm oo inta la is-dul-saaray dhulka ka yare kacsan. 2. Cuf dhul ah oo in door ah ka sarreeyo dhulalka ku wareegsan kana joog dheer gunbur.

buur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax sida ciid, dhagxaan iwm meel tuurid. 2. Afka b.: caro darteed la aamusid (qof).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg