buure
(m.l) (-rayaal, m.l/dh)

Xuub biyo ku jiraan oo ka yimaada sabiisha xoolaha ugaarta iwm marka ay foolanayaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buure

abuure [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Eebbe. 2. Qof wax abuuraya ama wax beeraya.

cimilo-buureed [m.l]
(juqr.) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.

daruur-buureed [m.l] (-ryo ..., m.dh)
(c.cimi.) Daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta gunburta.

qodaal buureed [m.l] (-dyo, m.dh)
Hab qodaal oo u gaar ah tiirooyinka buuraha iyo kuraha la beerto; tiirooyinka ayaa la googooyaa gidaaro ama dhinacyo dhiidhi ah waxa si wareeg ah looga dhisaa karinnada samaysmay, markaa biyaha waraabka iyo carradaba way xajistaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg