buuro
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-rtay, -ratay)

Nafley mid kale si aan ogaan ahayn ugu dhicid; legdid.

buuro
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-rtay, -ratay)

Nafley cayilid; weynaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buuro

rabadin [m.l] (-nno, m.dh)
1. Meel la degi karo oo bannaan hareerahana dhir ama buuro ka xigaan. 2. Xero; hoy.

bannaan [m.l]
1. Dhul siman oo aan geedo iyo buuro lahayn; ban. 2. Meel xadeysan dhulka dibadda ka ah.

bannaanow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-naaday, -naatay)
1. Meel aan geedo iyo dhis midna lahayn; dhul siman oo aan geedo iyo buuro iyo boholo midna lahayn; ban. 2. Wax xalaal ah noqosho.

buurasho [m.f.dh]
eeg buuro.

buur-sameyn [m.dh]
(jool.) Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.

daw [m.l] (-yo, m.dh)
(juqr.) Meel gaaban lagana gudbi karo ee buuro is haysta oo hakiya dhaqaaqa.

dhubdhub [m.dh] (-bo, m.l)
1. Meel la maro oo ciriiri ah. 2. Waddo buuro isu dhow dhex marta oo dhib lagu mari karo.

dooxo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhul hooseeya oo dhinacyada buuro ama dhulal sarreeya ka xigan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg