buuryo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Cadka ka lusha guska intiisa hore oo la gooyo marka la gudaayo wiilasha; yuub, qolof; balag. ld beejo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buuryo

yuub [m.l] (-bab, m.l)
Wiilasha la gudo cadka laga gooynaayo; buuryo; beejo.

beejaggoys [m.dh]
Xasharaad yaryar oo midab madow leh oo sida badan buuryada ka qaniinta wiilasha yaryar. ld buuryaggoys, buuryo-goys.

beejo [m.dh]
ld buuryo.

buuryo-goys [m.dh]
ld beejaggoys.

gud [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Cid buuryo ka goyn. 2. (f.g) Deyn bixin. 3. (f.mg) Habeen socosho. 4. (f.mg) Ku g.: haweenay daba gurid.

gudo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-dday, -datay)
1. Waajib oofin. 2. Wax cid lagu lahaa ama laga tirsanayey ka goosasho. 3. Caruur buuryo ka goyn.

haryuub [m.dh] (-byo, m.dh)
1. Duuduubka haragga dadka aad u duqoobay yeesho. 2. Buuryo.

buur [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-rar/-ro, m.l)
1. Wax sida dhagax ciid iwm oo inta la is-dul-saaray dhulka ka yare kacsan. 2. Cuf dhul ah oo in door ah ka sarreeyo dhulalka ku wareegsan kana joog dheer gunbur.

buur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax sida ciid, dhagxaan iwm meel tuurid. 2. Afka b.: caro darteed la aamusid (qof).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg