buux
(m.l)

1. B. ah: wax jilaysan. 2. ld buuxid.

buux
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday)

Wax muggiisa ama qaadkiisu ku jiraan noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buux

taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid

raabac [m.l]
Qof buuxiya kaalin cayaar turub oo maran.

raabac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Kaalin ciyaar turub oo maran buuxin.

faahfaahi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Si buuxda arrin u sharaxid.

caad [m.dh]
1. Meel dhagax ballaaran oo siman leh oo ciid ku hareereysantahay oo biyaha celisa. 2. C.daas joog/c.daas mar: wax buux ah (weel); qof fiican.

qaarbuuxo [m.dh]
Weynaanta qaarka sare qof u weynyahay. ld qaarbuuco.

qaaxo [m.dh]
(c.nafl.) Moqor dheecaan ka buuxo kaas oo sameeya moqorka ugu weyn ee xayawaannada lafdhabarleyda ah iyo kuwa lafdhabarla'da ah badankooda.

raadyoosonde [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(c.cimi.) Qalab iskiis isu rikoorgareeya oo lagu isticmaalo mitroolojiga, badanaa cabbi-raadda cadaadiska sare, isaga oo wata laliye ku dhigan balloon haydrojiin ka buuxdo.

saado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aaday, -aadatay)
Qof jid dheer maraya cunto caloosha ka buux-sasho.

taaj-belel [m.l] (-llo, m.dh)
(c.fal.) If ku wareegsan qorraxda oo laga arki karo girgirka madow ee dayaxa marka uu dhaco dayax madoobaad buuxa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg