buuxi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax muggiisa ku shubid. 2. Kaalin maran gelid. 3. Foomka b.: shuruudaha warqad looga baahnaa meelaheeda bannaan ku qorid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buuxi

raabac [m.l]
Qof buuxiya kaalin cayaar turub oo maran.

raabac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Kaalin ciyaar turub oo maran buuxin.

urur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Seddax horimood oo ciidan ah. 2. Dad aragti siyaasadeed ku midoobay. 3. Tiro isku wax ka hadlaysa oo is buuxinaysa.

awd [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Meel bannaan ama daloosha buuxin; daboolid.

bacad [m.l] (-ddo/-dyo, m.dh)
1. Dhul bacaad buuxiye oo lamaddegaan ah. 2. Midab caddaan ah oo mid kale oo yari ku dhafanyahay oo geelu yeesho. 3. Meel kulul oo qorraxda hayso.

barkin [m.dh] (-imo, m.dh)
Kiish maro ah oo cudbi, isbuunyo iwm laga buuxiyo oo la barkado. ld barkimo.

buufin [m.l]
Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.

buux [m.l]
1. B. ah: wax jilaysan. 2. ld buuxid.

buuxid [m.f.dh]
eeg buux². ld buux¹ (2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg