buuxis
(m.l)

1. Afsaar. 2. ld buuxin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buuxis

buuxin [m.f.dh]
eeg buuxi. ld buuxis (2).

cantoobo [m.dh] (-ooyin, m.l)
In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo buuxisa. ld cantoob, xantoobo.

cantuugo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Cabitaan ama cunto hal mar afka buuxisa.

faarad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab yar oo gacan buuxis ah oo dhexda ku leh xalleefato loo isticmaalo turxaanbixinta iyo sulux ka dhigidda alwaaxda; raando.

kuwaatis [m.l]
(jool.) Mid ka mid ah macaadintra aad loo helo, oo ku jirta dhadhaabooyin iyo carrooyin badan iyadoo leh qaabab kala duwan, badanaa waxay buuxisaa dhuumaha, isgalooyinka, iyo hogagga dhadhaabaha. Badanaa waxaa ku qasan macaadin kale, oo ay ka mid yihiin birta ceeriin. Waxay ka samaysantahay silika iyo ogsajiin. Waxay samaysaa xaddigu ugu badan ee bataaxda.

naytarojiin [m.dh] (-nno, m.dh)
1. (kiim.) Curiyaha ugu horreeya ururka V ee tusaha kalgalka curiyayaasha; curiye elektaroon jiidasho badan,una jira isagoo molikiyuullo laba atamle ah (N )oo neef ah. Naytarojiinta hawada ku jirtaa waa 78 % mug ahaan. Naytarojiin waxa ay samaysaa ogsaydho ay ka mid yihiin laba-naytarojiin hal-ogsaydh. Naytaras ogsaydh (N O) oo ah ogsaydh dhexdhexaad ah; iyo natarojiin laba-ogsaydh (NO) oo soo saarta iskujir ka kooban naytaras asiidh iyo naytarik asiidh marka biyo lagu daro. 2. (kiim.) Neefta ugu badan gibilka, oo mug ahaan buuxisa 78% ee hawada engegan; neeftani kiimika ahaan ma firfircoona, waxay tartaa inay misho ogsajiinta.

saxar-qaad [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.cimi.) Duufaan bus fara badan ka buuxisa gibilka taas oo aragga si la taaban karo u yaraysa, mararka qaarkoodna waxaaba uu gaaraa araaggu ilaa iyo eber.

buux [m.l]
1. B. ah: wax jilaysan. 2. ld buuxid.

buux [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
Wax muggiisa ama qaadkiisu ku jiraan noqosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg