buuxiye
(m.l)

In yar oo caws ah oo lagu kordhiyo masayda marka ay isdhinto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buuxiye

bacad [m.l] (-ddo/-dyo, m.dh)
1. Dhul bacaad buuxiye oo lamaddegaan ah. 2. Midab caddaan ah oo mid kale oo yari ku dhafanyahay oo geelu yeesho. 3. Meel kulul oo qorraxda hayso.

buuxsan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Wax la buuxiyey noqosho.

cigan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Weel, wax hoore laga buuxiyey ahaansho.

diilan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Wax ciid, neef iwm laga buuxiyey noqosho.

diilan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax ciid, neef iwm laga buuxiyey ahaansho.

kayn-maanguruuf [m.l] (-fyo, m.dh)
(juqr.) Dhul qoyan oo biyo fedhiyaan oo badanaa ay buuxiyeen kayn maanguruuf ah, kan maanguruuftu badanaa waxay ku dhacdaa dhul xeebeedka hoose ee gobollada kulaalayda, waxayna ugu sii badantahay agagaaraha webiga afkiisa.

buuxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax muggiisa ku shubid. 2. Kaalin maran gelid. 3. Foomka b.: shuruudaha warqad looga baahnaa meelaheeda bannaan ku qorid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg