caasi
(m.l) (-iyaal/-iyiin/-iyo, m.dh)

1. Qof wixii Eebbe faray aan fulin. 2. Qof waalidkii aan addeecin. 3. Qof madax adag, diiddo badan.

caasi
(f.g/mg1/2) (-iyay, -iday/-isay; -iyi)

1.(f.g) Cid eed iyo haaraan u jeedin. 2. Ku c.: qof,wixii Eebbe faray fulin waayid. 3. Ku c.: qof waalidkii addeeci waayid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caasi

naakirad [m.dh] (-do, m.l)
Naag sharcigu caddeeyay in ay ninkeeda caasi ku noqotay oo aan nin kale guursan karin. ld naakiro, naashiddo, naashiso, naashuusho.

nacalad [m.dh] (-do, m.l)
Caro Eebbe dusha ka saaro cid caasidey. ld lacanad¹, lacnad¹, nacallad¹, nacalle, nacdal¹.

nacalad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Caro Eebbe cid caasidey ku dhicid. 2. Cid cay iyo eedayn u jeedin. ld lacanad², lacnad², nacallad², nacdal².

caasimad [m.dh] (-do, m.l)
Magaalammadax.

caasin [m.dh]
ld caasiyid.

caasinnimo [m.dh]
Caasi ahaansho.

caasiyid [m.f.dh]
eeg caasi². ld caasin.

caasiyoobid [m.f.dh]
eeg caasiyow.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg