caato
(m.dh)

1. Caataysnaanshada. 2. C. ah: nafley hilibka iyo baruurta jirkiisu yaryartahay. 3. Hilib aan dux lahayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caato

daac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Neef caloosha ka timaadda oo dhawaaq leh, afka ka sii deyn. 2. (f.mg) Nafley caatoobid. ld daaco². daaco

daaci [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
D. ah: neef aad caato u ah.

saanreeb [m.l] (-byo, m.dh)
1. Cudur geela ku dhaca oo tabar-yaraan ku reeba. 2. S. ah: neef geel ah oo caato ah.

saaquun [m.dh] (-nno, m.dh)
1. Qof haween ah oo aan waxtar iyo caqli midna lahayn. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).

saaquunnimo [m.dh]
1. Haweeney aan caqli iyo waxtar lahayn ahaansho. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).

uduufaa [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Neef yar (siiba nayl) oo caato ah. 2. Cunug yar oo caato ah.

ulaaxi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Sida neef caato ah oo biyo ka dhergey uu u socdo, u socosho.

xaaluq [m.l] (-qyo, m.dh)
Orgi caato ah.

xaas [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
Nafley caato noqosho.

xaasaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Xoolo caatoobid; weydoobid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg