cabbaad
(m.l)

ld cabbaar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cabbaad

cabbaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Meerisyo kuul yaryar ah, hab quruxsan la isugu tolo, rucubyo leh oo haweenka qoorta ku xirtaan. 2. Midab baraashirix ah oo lo'da iyo riyuhu yeeshaan. 3. (w) Qaab qurux badan oo dadka cayillan ama hablaha surkoodu yeesho. ld cabbaad.

gesiir [m.l] (-rro, m.dh)
Xarig dun ah, si gaar ah loo sooho, cabbaadyo ama kuul yaryar midabo kala duwan leh lagu mardimeeyo oo haweenku dhexda ku xirtaan. ld gasii.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg